DF Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaar ula tahay dawlad gobaleedyada iyo cid walba in ay kala hadasho wixii ay tabanayaan

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo dhexda uga jirta jahawareer uga yimid dawlad gobaleedyada dalka oo awood badan ku leh siyaasadda gudaha ee dalka ayaa bilowday in ay raadiso wadiiqo ay ku xaliso khilaafaadka sii kordhaya ee uga imaanaya dawladdaha xubnaha ah.

Wasiirka Arrimaha gudaha, Dibu heshiisiinta iyo Faderaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii dalkan marxalada uu ku jirro loo dhaafin lahaa, isagoo sheegay in ay furan yihiin albaabada dawladda Faderaalka.

Mr, Juxa ayaa cadeeyey in waqtigan uu yahay xili xasasi ah oo ay Soomaalida oo dhan u baahan yihiin in ay isku dhinac u dhaqaajiyeen doonta horumarka, wuxuuna bogaadiyey talaabo kasta oo wanaagsan.

Wasiirku wuxuu si dad-ban uga hadlay shirka magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay dawladda Soomaaliya soo dhaweynayso wax kasta oo horumar u horseedaya dalkan, ayna muhiim tahay in wada hadal lays kugu yimaado.

Dawladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah faahfaahin uga bixin ujeedooyinka siyaasadeed ee ay ka leedahay, faragalinta ay ku sameyso dawlad gobaleedyada qaarkood, gaar ahaana HIRSHABEELLE, Galmudug & Koonfur Galbeed.

Dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ayaa hadda kushirsan magaalada Kismaayo, waxayna maanta soo saarayaan warsaxaafadeed ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo waxyaabaha kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya, kaas oo ah mid aad loo sugayo.

 

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/