SAWIRRO: Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska oo xustay Maalinta caalamiga ah ee Gabdhaha Aduunka

GAROOWE(P-TIMES) – Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland ayaa xustay maalinta caalamiga ah ee gabadhaha Adduunka, waxaana munaasabad lagu weynayo lagu qabtay magaalada Garoowe.

Xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa lagu waynayey maalintan oo sanadkiiba mar caalamka laga xuso, waxana lagu dhiiri-geliyaa horumarrada gabdhaha dunida.

Ahmiyadda maalintan waa in hablaha da’yarta ah loo bidhaamiyo daariiqa horumarka iyo sida ay door ugu yeelan karaan koboca bulsho iyo qoys ee dalkooda, waxana wasaaradda oo muujinaysa kaalinta muhiimka ah ee habluhu qabatay xafladdan oo ayku casuntay gabdho da’yar ah oo isugu jira arday, kuwo shaqeeya iyo qaar ciyaara kubadda kolayga.

Wasiirku xigeenka wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa sharaxday ahmiyadda maalintan iyo muhiimadda ay u leedahay hablaha waddanka.

Xubno ka socday Hay’adaha taageera horumarinta gabdhaha ku nool deegaannada Puntland ayaa goobta ka sheegay doorkooda xafladdan iyo howlaha garab istaagga gabdhaha ah ee ay wadaan.

Tababarihii hore ee xulka qaranka gabdhaha Soomaaliyeed, Cabdulqaadir Khaliif oo halkan joogay ayaa ammaan u jeediyey kaalinta gabdhaha Soomaaliyeed ee horumarinta dalka, isagoo ku baaqay inla dhiiri-geliyo gabdhaha ciyaara kubadda gacanta ee qaarkood xafladdan joogay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, Abshir Aw Yuusuf Ciise wuxuu ku dhiiri-geliyey gabdhaha da’yarta xoojinta waxbarashada oo uu sheegay iney tahay waxaa dhabaha u xaari kara iney saamayn bulshada ku dhex yeeshaan.

Ugu danbayntii Koob iyo iyo bilado ayaa goobta lagu guddoonsiiyey kooxo gabdha ah oo ku tartamay kubadda gacanta.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/