UPDATE: Dhacdo Sababtay dhimasho Iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo

GAALKACYO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa xaqiijinaya in ay xalay geeriyoodeen labo qof oo mid kamid ah uu yahay Injineer dhinaca Dhismaha oo qiimeyn ku sameysay meel lagu bilaabi lahaa dhisme laga dhisayo xaafadda Garsoor ee magaaladaas.

Ninkan Injineerka ee qeymaynayey Aaga dhismahan laga dhisayay ayay la duntay mid kamid ah Suuliyaasha ka ag-dhawaa goobtaas, taas oo keentay in uu geeriyoodo, waxaana sidaas oo kale gurmad u fidiyey qaar kamid ah dadka xaafadda.

Mid kamid ah dadkii usoo gurmaday ayaa ku geeriyooday dhacdadan isna, waxaana tiradda dhimashadu ay noqotay 2 qof, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo.

Ilaa afar qof oo kale oo shacab ah una gurmaday dadkan ay dhacdadan ku dhacday ayaa qaarkood ku sumoobay godka suuliga ah, waxaana la dhigay qaar kamid ah Isbitaalada magaalada.

Roobab wanaagsan ayaa ka da’ay dhawaan magaalada Gaalkacyo, waxayna magaaladu ku taalaa goob dooxo ah, taas oo mararka ay roobabka badani da’aan badanaa dhulkeedu yahay mid aad u jilicsan, maadaama ay biyuhu in badan oo kamid ah dhulka sare iyo lakabyada hoose galaan.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/