WARBIXIN XASAASI AH: Dawladda Qadar oo Muqdisho ka bilowday qorshe adag iyo ciidamo daacad u ah oo ay Qoranayso..

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Qadar ayaa bilowday in ay galaangalkeeda siyaasadeed sii kordhiso, kaas oo ay ku dhex leedahay awoodaha ugu sareeya ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ay shaqsiyaad ay ku jiraan Saraakiisha ciidamada Difaaca ee Soomaaliya ay bilaabeen qorshe ay ku qorayaan Dhalinyaradda Soomaalida, ayna doonayaan in ay ku aruuriyaan mid kamid ah Dugsiyada Tababarada ciidamada ee kuyaala duleedka Muqdisho.

Dadka loo xulayo ka mid noqoshada ciidamadan ayaa maraya Sharuudo badan oo ay ugu horeyso in uusan laheyn waxba Balwad ah, in uu yahay qof Waxbarashada ka gaaray Dugsi Sare iyo wixii ka badan, in uu haysto warqada Dhalashada iyo Sugnaanta in uusan dambi horey u galin ama uusan ka mid noqon kooxihii horey ugu dagaalamay magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda tiradda la aruuriyey ayaa lagu sheegay 300 oo Dhalinyarro ah, waxaana la doonaayaa in la gaarsiiyo 1000 Askari, kuwaas oo ujeedada loo xulayo ay tahay in ay helaan tababaro ay bixinayso dawladda Qadar.

Xukuumada DOHA ayaa doonaysa in ay ciidamadan noqdaan kuwa daacad u ah, isla markaasna fuliya howlgalada ay uga baahdaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana caasumada Muqdisho.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay QADAR Ku siisay dawladda Faderaalka Soomaaliya, Malaayiin Dollar dhawaan waxaana lagu heshiiyey in ay ciidamadan tiraddoodu noqon karto in kasta oo ay u baahan tahay dawladda Qadar.

Kasokow Ilaalada xarumaha iyo Wafuuda ka imaanaysa Qadar, waxay kaloo la dagaalami karaan ciidamadan kooxaha Al- Shabaab ee ka soo horjeeda nabadda iyo daganaanshaha Soomaaliya.

Dowlada Qadar ayaa garab ka ah xulafada Turkiga marka la’eego Siyaasada dowladaha muslimka ah, waxaana xusid mudan in Turkiga uu dhawaan Saldhig ka hirgaliyay Somalia.

Xukuumada Qadar ayaa saameyn ku yeetalatay Siyaasadda gudaha, si lamid ah sidda ay ugu leeyihiin wadamada Reer galbeedka, Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo dalalka la baxay Beesha Caalamka, waxayna lahayd soo saarida labo Madaxweyne oo iskaga dambeeyey xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Warsidaha Puntlandtimes ayaa fahamsan in qorshahan cusub ay gadaal ka riixayeen muddo dheer madaxda ugu sareysa Agaasinka Madaxtooyada Muqdisho, ayna ka dhaadhiciyeen hadda saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Dadka Siyaasadda iyo Amniga falanqeeya ayaa rumeysan in tababarad cusub Qadar ay yihiin kuwa lagu baraajeynayo Xukuumada Imaaraatka Carabta oo sannadkii soo saarta Askar fara badan oo ay ku tababarto Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed & Muqdisho.

 

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/