XOG RASMI AH+CADEYN: Madaxtooyada Soomaaliya oo xildhibaanadii ugu badnaa oo ka soo jeeda K/Galbeed iskugu geysay Muqdisho & Welwel lasoo darsay Shariif Xasan

MUQDISHO(P-TIMES)- Xaafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxtooyada ayaa awoodii ugu badneyd iskugu geeyey hadda sidii ay u tuuri lahaayeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna bilaabeen qorshihii ugu dambeeyey oo ay 17-ka bishan codka kalsoonida ugu qaadi doonaan Shariif-ka oo ah nin saameyn ku dhex leh siyaasadda dalkan.

Xildhibaano gaaraya 34 Xildhibaan ayaa iskugu tagay shalay magaalada Muqdisho, waxayna ku qabsadeen kulan ay ugu magac-dareen kulanka Badbaadinta Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayeen qorshahan.

Xildhibaanadii ka hadlay madashaas ayaa dhamaantood isku raacsanaa fikrada ah in xilka laga qaado Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee waqtigan Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Shirkan waxaa kasoo dhex muuqday Lataliyaasha Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, mid kamid ah oo hadlay wuxuu si adag u sheegay in aysan dawladda Faderaalku ku qanacsaneyn waxqabad la’aanta taagan.

Warsidaha Puntlandtimes ayaa helay warsaxaafadeed laga soo saaray shirkas, oo sidda ka muuqata taageero iyo Hiilba lagu weydiisanayo dawladda Faderaalka Soomaaliya, oo la og yahay saameynta ay qadiyaddan ku leedahay.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa talaabadaas haddii ay dhacdo waxyaabaha ka dhalan kara, waxaana halisteeda ay leedahay qadiyaddan, bacdamaa ay hadda jiraan xasaasiyad adag oo siyaasadeed, taas oo u baahan in xal rasmi ah laga gaaro.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/