AKHRISO:- Maxaad Ka Taqaan Taariikh Nolaleedka Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Xoogga Jen. Gorod

MUQDISHO(P-TIMES)-Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen, Cabdiweli Jaamac Gorod, kaddib markii uu is casilay Taliyihii hore Jen. Jimcaale Cirfiid.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa Wasiir ka soo noqday dowladdii Carte lagu soo dhisay ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/qaasim Salaad Xasan.

Hadaba Halkan hoose ka akhriso Taariikhda Taliyaha cusub

Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod waxaa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii. Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga  Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada  gacanta ee magaalada Muqdisho.
General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii.  Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxauu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .
Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah. Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle. 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Kismaayo halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.
1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa. Waxuuna berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.
1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo. Sadax bilood ka dibna waxaa loo badalay Muqdisho oo waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Waxuu noqday gaashaanle sare. Isagoo gaashaanle sare ah ayayna burburtay dowladii dhexe.
Jeneral Gorod dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha. Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.
Jeneraalka waxuu dhalay sideed caruur, waxaa uu ku noolaa UK, gaar ahaan magaalada London.
Waxaa qoray: Ismaaciil Mukhtaar Oronge

PUNTLAND TIMES

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Namibia:School Children Alerted to Human Trafficking
- Jan 22, 2018
[New Era] Windhoek -Permanent Secretary in the Ministry of Gender Equality and Child Welfare ...
Namibia:Students Oppose Admission of 'Racist' Lawyer
- Jan 22, 2018
[New Era] Windhoek -The Namibia National Students Organisation (NANSO) has come out strongly in ...
Uganda:Parliament to Grill Ministers Over Delay in Supporting People with Albinism
- Jan 22, 2018
[Monitor] Parliament -The Speaker of parliament, Rebecca Kadaga has tasked the cabinet to explain ...
Malawi:Joyce Banda Still Risks Arrest
- Jan 22, 2018
[Nyasa Times] The Anti-Corruption Bureau (ACB) says its investigations on donations made to the ...
Algeria:New Trials Shake Ahmadi Minority
- Jan 22, 2018
[HRW] Beirut -Human Rights Watch received information that, in December 2017 alone, there were ...
Tanzania:Tourism Injects 4.8 Trillion/ – Into the Economy
- Jan 22, 2018
[Daily News] EXTRA budgetary allocations for tourist sector promotion initiatives and consolidation of diplomatic ...
Tanzania:Irrigation Initiative to Boost Farm Production
- Jan 22, 2018
[Daily News] Arusha -JAPAN is assisting Tanzania to roll out modern farming initiatives; so ...
 
/