BREAKING NEWS: Shirka Hogaamiyaasha Dawlad gobaleedyada oo lagu soo gaba-gabeynayo Kismaayo & Qodobada soo bixi doona?

KISMAAYO(P-TIMES)- Shir ay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ku lahaayeen hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa lafilayaa in maanta barqanimada lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo diiradda lagu saaray arrimo xasaasi oo kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyey oo ay Puntlandtimes ka heshay wada xaajoodyadii u dambeeyey ayaa xaqiijinaya in ay jiraan qodobo ay isku raaceen dhinacyada dawlad gobaleedyada oo ay ka doodeen, isla markaasna ay soo bandhigayaan maanta.

Maalmihii ay halkan joogeen Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada waxay aad uga hadleen qaabka wada shaqeynta ay la leeyihiin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, sidda ugu wanaagsan ee xal looga gaari karro qodobada taagan.

Dawlad gobaleedyadu waxay go’aan ka gaareen xiisada siyaasadeed ee kataagan Galmudug, waxay isku raaceen tubta loo marayo, iyadoo si wadajir ah dhinacyada oo dhan loogu yeero, loona dhexdhexaadinayo si meesha looga saaro khilaafka.

Arrimaha kala dhaxeeya dawladda Faderaalka ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ay aadka uga doodeen, waxaana aan jirin ilaa hadda go’aamo la og yahay oo ay wadar u gaareen dhinacyadan.

Balse warar hoose ayaa u sheegay Puntlandtimes in arrimaha Khaliijka iyo qadiyadooda lagu kala aragti duwanaaday ayna dhinacyadu doodo gaar ah xalay ka sii lahaayeen, ugu dambeyn-na laga yaabo in aan waxba laga soo qaadin mudada uu socdo shirkan.

5-ta Madaxweyne dawlad gobaleed ee Soomaalida ayaa go’aansaday dhismaha madal ay ku mideysan yihiin,, taas oo ay iskugu imaanayaan dhinacyadu kuna kala war-qaadanayaan, waxayna u dhisteen si ay u yeeshaan wada hadalo iyo Is wareysi joogta ah.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Namibia:School Children Alerted to Human Trafficking
- Jan 22, 2018
[New Era] Windhoek -Permanent Secretary in the Ministry of Gender Equality and Child Welfare ...
Namibia:Students Oppose Admission of 'Racist' Lawyer
- Jan 22, 2018
[New Era] Windhoek -The Namibia National Students Organisation (NANSO) has come out strongly in ...
Uganda:Parliament to Grill Ministers Over Delay in Supporting People with Albinism
- Jan 22, 2018
[Monitor] Parliament -The Speaker of parliament, Rebecca Kadaga has tasked the cabinet to explain ...
Malawi:Joyce Banda Still Risks Arrest
- Jan 22, 2018
[Nyasa Times] The Anti-Corruption Bureau (ACB) says its investigations on donations made to the ...
Algeria:New Trials Shake Ahmadi Minority
- Jan 22, 2018
[HRW] Beirut -Human Rights Watch received information that, in December 2017 alone, there were ...
Tanzania:Tourism Injects 4.8 Trillion/ – Into the Economy
- Jan 22, 2018
[Daily News] EXTRA budgetary allocations for tourist sector promotion initiatives and consolidation of diplomatic ...
Tanzania:Irrigation Initiative to Boost Farm Production
- Jan 22, 2018
[Daily News] Arusha -JAPAN is assisting Tanzania to roll out modern farming initiatives; so ...
 
/