LA OGAADAY: M/weyne Farmaajo oo telfoon kula hadlay Hogaamiyaasha kushirsan magaalada Kismaayo, Maxaase lagu heshiiyey?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xariiro la sameeyey Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada dawladda kushirsan magaalada Kismaayo, oo ay ka wada hadleen sidii si wadajir ah loogu dhaqaaqi lahaa in lays waraysto waxyaabaha ay cabashada kamuujinayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wacay hogaamiyaashan wuxuuna u cadeeyey in ay dawladdiisu diyaar u tahay wada hadal furan iyo sixitaan wax kasta oo khaldamay, ayna diyaar yihiin sidii ay u dhigi lahaayeen gogosha rasmiga ah ee wada hadalkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amaanay isku imaatinka Hogaamiyaashan, oo uu ku sifeeyey mid muujinaya biseyl siyaasadeed, bacdamaa horrey aysan u jiri Karin madal noocan oo kale ah, balse ay ahayd in ay koox kasta aragtideeda si gaar ah warbaahinta ula timaado.

Wararka ayaa sheegaya in ay dawlad gobaleedyadu soo dhaweeyeen ajiibeena dalabka dawladda Faderaalka ee Muqdisho, balse aysan wali isku raacin go’aanka rasmiga ah iyo halka ay wada hadaladan ka dhacayaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in marka ay soo saaraan warsaxaafaded ay ku mideysan yihiin,,, ka dib ay iska wareysan doonaan habka loo wajahayo waxyaabaha u baahan in la turxaan bixiyo.

Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee kala ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug & HIRSHABEELE ayaa wada hadalo xasaasi ah ku leh magaalada Kismaayo, kaas oo ay qabsadeen markii aad ugu dhaliileen dawladda dhexe in ay duminayso nidaamka Faderaalka ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa qaadatay hab maamulka Nidaamka Faderaalka, kaas oo dhabaha u xaaraya awoodo ay kala leeyihiin dawladda Faderaalka iyo dawladdaha xubnaha ka ah, waxaana hadda dood ka taagan tahay qaar kamid ah qodobada ay dhinacyadu kala daliishanayaan.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”
- Oct 23, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka ...
SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado
- Oct 23, 2017
Muqdisho, 22 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Qodob halis ku ah Ra’iisal Wasaare Kheyre
- Oct 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u debcay cadaadis xoog leh oo uga yimid ...
XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho
- Oct 22, 2017
Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku ...
DAAWO SAWIRRO: Baadari Kenyan ah oo Muslimay, Kaniisaddiisana ka dhigaya Masjid
- Oct 22, 2017
Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid – isaga oo sheegay inuu ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Kampala
- Oct 22, 2017
Madaxweynah Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa ...
AKHRISO: Sabab yaab leh oo loo joojiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Labada Aqal
- Oct 22, 2017
Kulan lagu waday inuu Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan labada aqal ee Baarlamaanka oo ...
 
/