XOG DEG DEG AH: Maxay go’aan gaareen Guddigii Baarlamaanka Somalia ee loo xilsaaray Qadiyaddii QALBI DHAGAX

MUQDISHO(P-TIMES) – Maanta ayay ku e’eg tahay mudadii guddoonka baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya u qabtay 15 Xildhibaan oo ahaa guddi gaar ah oo loogu xilsaaray in ay go’aan cad ka gaaraan Qadiyadii ku saabsaneyd Dhiibitaankii dawladda Itoobiya loo dhiibay mid kamid ah Madaxdii Jamhada Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF iyo go’aankii ay bishii September qaadatay Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

Guddigan oo maalmihii ugu dambeeyey lahaa shirar xasaasi ah ayaa la kulmay cidda ay khuseyso qadiyadan, gaar ahaana Xaafiisyada Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Saraakiisha Nabadsugidda oo ay marar badan iskaga daba laabteen.

Warar hoose oo ku dhaw guddiga ayaa sheegaya in ay qoreen warbixin la xariirta baaritaankooda, ayna dib ugu celin doonaan maanta guddoonka baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Mid kamid ah xubnaha guddiga oo diiday adeegsiga magaciisa ayaa u sheegay warsidaha Puntlandtimes in ay Raysalwasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugiddu ay ka war-wareegeen in ay la hadlaan guddiga markii ugu dambeysay, ayna u qabteen dhawr balamood oo kala duwan.

Sidaas oo kale guddiga ayaa helay dhambaalo qoraaleed ay is dhaafsadeen dhinacyo Sirdoon, kuwaas oo khuseeyey Kiiska Sarkaalkan katirsanaa ONLF ee Cabdikariim Sheekh Muuse (QALBI DHAGAX) oo ay qabteen ciidamada Soomaaliya.

Guddiga gudihiisa ayaa isku qabtay marar badan arrimaha doodaha iyo go’aan gaarista qaarkeed, waxaana ay hadda aqbaleen qodobada qaarkood oo ay isku afgarteen sidii loo horgeyn lahaa baarlamaanka Faderaalka.

In ka badan 157 Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Faderaalka ayaa soo jeediyey Mooshinka ah in laga doodo talaabadii lagu dhiibay Sarkaalkan, waxaana sidaas oo kale caqabad weyn wali ka taagan tahay sidda loo maareyn karo Xildhibaanada.

Culeysyo adag oo siyaasadeed ayay mar kale ku tahay Xukuumada Soomaaliya, haddii kiiskan ay soo bandhigaan guddigii loo xilsaaray, waxaana halis ah in go’aamada ka soo baxaa ay noqdaan kuwa aan farxad galin Xukuumada Faderaalka oo welwel weyn ka qabta qadiyaddan.

Dhiibitaankii dawladda Itoobiya lagu wareejiyey mid kamid ah ragga ay sida aadka ah u doonaysay ee katirsanaa Madaxda ONLF iyo Qaraarkii ay 6 September 2017 qaadatay Xukuumada Soomaalida ee Jamhadda ONLF loogu aqoonsaday mid Argagixiso ayey dawladda faderaalku ku weyday taageerayaal fara badan oo u badan Shacabka Soomaaliyeed.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”
- Oct 23, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka ...
SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado
- Oct 23, 2017
Muqdisho, 22 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Qodob halis ku ah Ra’iisal Wasaare Kheyre
- Oct 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u debcay cadaadis xoog leh oo uga yimid ...
XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho
- Oct 22, 2017
Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku ...
DAAWO SAWIRRO: Baadari Kenyan ah oo Muslimay, Kaniisaddiisana ka dhigaya Masjid
- Oct 22, 2017
Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid – isaga oo sheegay inuu ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Kampala
- Oct 22, 2017
Madaxweynah Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa ...
AKHRISO: Sabab yaab leh oo loo joojiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Labada Aqal
- Oct 22, 2017
Kulan lagu waday inuu Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan labada aqal ee Baarlamaanka oo ...
 
/