XOG DEG DEG AH+AKHRISO: Waa maxay Ujeedada loo magacaabay Taliye ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ah oo ka soo jeeda Galmudug?

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra`iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo fulinaya mid kamid ah qorshayaasha ay soo jeediyeen Saaxiibadiisa ka soo horjeeda dawlad gobaleedyada dalka ayaa magacaabay si deg deg ah Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay sarkaal ka soo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Raysalwasaaraha ayaa u magacaabay Col, Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod taliyaha KMG ah ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana magacaabidiisan ay ka dambeysay markii cadaadisyo xoog leh lagu saaray sidaas taliyihii horre ee ciidamada Soomaaliya.

Warar hoose oo ay heshay goor dhaw Puntlandtimes.com ayaa sheegaya in magacaabida Col, Gorod ay ahayd qorshe ay ka shaqeeyeen dhinacyada Siyaasadda ee Muqdisho, waxayna doorkoodu yahay sidii ay u fulin lahaayeen qorshayaashooda ay ka leeyihiin Galmudug.

Col, Gorod ayaan si wanaagsan looga dhex aqoon ciidamada dawladda faderaalka ee Soomaaliya, waxaana uu ahaa Duuliye sare oo katirsanaa ciidamadii Difaaca, laakiin sannadyadii burburka qeyb ka noqday Xukuumadii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Magacaabida deg deg ah iyo talaabooyinka siyaasadeed ee socda ayaa halis galinaya daganaanshaha guud ee Soomaaliya, waxaana aan la garan karin nooca dagaal ee hadda socda halka uu ku dambey doono, xili Raysalwasaare Kheyre iyo Kooxdiisu ku mashquulsan tahay qorshe halis ah.

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”
- Oct 23, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka ...
SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado
- Oct 23, 2017
Muqdisho, 22 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Qodob halis ku ah Ra’iisal Wasaare Kheyre
- Oct 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u debcay cadaadis xoog leh oo uga yimid ...
XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho
- Oct 22, 2017
Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku ...
DAAWO SAWIRRO: Baadari Kenyan ah oo Muslimay, Kaniisaddiisana ka dhigaya Masjid
- Oct 22, 2017
Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid – isaga oo sheegay inuu ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Kampala
- Oct 22, 2017
Madaxweynah Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa ...
AKHRISO: Sabab yaab leh oo loo joojiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Labada Aqal
- Oct 22, 2017
Kulan lagu waday inuu Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan labada aqal ee Baarlamaanka oo ...
 
/