XOG MUHIIM AH+AKHRISO: Dagaalka Qowmiyadaha Oramadda & Soomaalida oo gilgilay Siyaasadda D. Faderaalka Itoobiya

ADDIS ABABA(P-TIMES)- Inkastoo ay adag tahay in warbaahinta xorta ah ay warbixino ka qorto gudaha dalka Itoobiya, haddana xiisaddo siyaasadeed oo ka dhashay dagaaladii dhexmaray Qowmiyadaha Oramadda iyo Soomaalida ayaa kiciyey laqanyo siyaasadeed oo horeysay Xukuumada Faderaalka.

Ergada labada dhinacba ugu jirta dawladda Faderaalka ayaan jecleysan qaabka ay ciidamada Faderaalka ugu jawaabeen weeraradii ugu dambeeyey iyo dagaalkii dhimashada badan sababay ee ay Oramadu ku qaadeen Soomaalida.

Sidaas oo kale faragalintii ay ciidamada Booliska ee labada dhinacba kaga qeybgaleen dagaalka ayaa kiciyey hurgumo siyaasadeed oo taagnaa, waxaana jiray khilaaf horey ugu dhaxeeyey labadan maamul oo deris ah.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu eedeeyey in uusan si wanaagsan u maamulin dhacdadan, isla markaasna ay ciidamada Faderaalku si toos ah uga jawaabeen falkii lagu dilay 43 qof oo Soomaali ah, ayna laayeen dad badan oo Oromo ah laguna tuhmayo falkaas.

Gudoomiyihii baarlamaanka ee dalka Itoobiya Abadulahi Gemeda ayaa Isniintii kaga dhawaaqay kalfadhiga baarlamaanka dalkaas oo ka furmay Addis Ababa in uu shaqada ka tagay, waxaana uu sabab uga dhigay arrimo isagga u gaar ah.

Laakiin wararka laga helayo gudaha Itoobiya ayaa sidaas ka duwan, waxayna dhab iyo xaqiiqo ka dhigayaan in gudoomiyaha Is casilay uu diiday sidda ay Xukuumadda Faderaalku u maareysay khilaafka labada dhinac ee deriska ah.

Mr, Gemeda ayaa kamid ahaa raggii ugu cuslaa ee Xisbiga talada haya, wuxuuna hogaamiyaa sadexda Xisbi ee ku mideysan Xisbiga talada dalka Itoobiya mudada dheer haya ee lagu magacaabo EPRDF, tagidiisa ayaa ah dhaawac siyaasadeed.

Wargeyska AS ayaa soo xigtay ilo ku dhaw dhaw gudoomiyaha ayaa leh iscasilaadan, waxay dhabaha u xaari kartaa howl siyaasadeed oo galaangalkeeda iyo shishadeeda wadata,waxaana Gudoomiyaha uu awood xad-dhaaf iyo taageero ah ka haystaa Qowmiyadda uu ka soo jeedo oo uu hadda daraadood shaqadiisa uga tagay.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa si adag ula hadlay hogaamiyaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, wuxuuna ku canaantay talaabooyin ay qaadeen, isagoo u sheegay in looga baahan yahay in aysan Ummadda u horseedin dhib iyo fowdo cusub oo laga dhex sameeyo xadka labada dhinac.

Warbaahinta ay maamulaan labadan dawlad gobaleed ayaa isku adeegsaday Erayo kasta oo ay awoodaan, taas oo sii kordhisay xiisada labada dhinac, ka dibna taasi waxay BAASIIN kusii shubtay xiisadda kataagan Xukuumada Faderaalka oo saameynteeda meelo badan laga dareemay.

EPRDF ayaa lagu eedeeyaa inta badan in uu yahay mid kaliya ee kajira Itoobiya, waxaana marar badan ay Hay’addaha Xaquuqda Aadanaha iyo Dawladdaha Reer galbeedku ku eedeeyaan in uu ku tuntay Xaquuqda Shacabka iyo dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa oo ay mudo dheer Xabsiyo iyo dilal Maxkamadeedba ku fuliyaan.

Lama garan karro halka ay saldhigan karto xiisadda u dhaxaysa Soomaalida & Oramada oo saameyn ku yeelatay siyaasadda guud ee dalka Itoobiya, waxaana jiray bilihii u dambeeyey khilaaf aan awood yareyn oo ka dhex jiray Xisbiga talada ee EPRDF, kaas oo uu hadda banaanka u soo shaac-baxay.

 

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”
- Oct 23, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka ...
SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado
- Oct 23, 2017
Muqdisho, 22 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Qodob halis ku ah Ra’iisal Wasaare Kheyre
- Oct 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u debcay cadaadis xoog leh oo uga yimid ...
XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho
- Oct 22, 2017
Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku ...
DAAWO SAWIRRO: Baadari Kenyan ah oo Muslimay, Kaniisaddiisana ka dhigaya Masjid
- Oct 22, 2017
Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid – isaga oo sheegay inuu ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Kampala
- Oct 22, 2017
Madaxweynah Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa ...
AKHRISO: Sabab yaab leh oo loo joojiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Labada Aqal
- Oct 22, 2017
Kulan lagu waday inuu Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan labada aqal ee Baarlamaanka oo ...
 
/