XOG+WARKII U DAMBEEYEY: Maxay ku heshiiyeen Madaxda dawlad gobaleedyada ee ku Shirsan Kismaayo & Kulankii u dambeeyey

KISMAAYO(P-TIMES)- Ilaa hadda warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shirar gaar ah oo ay shalay iyo xalay oo dhan lahaayeen 5-da Madaxweyne dawlad gobaleed ee kushirsan magaalada Kismaayo, waxaana aan jirin cid ku wehlisay oo ka socotay dawlad gobaleedyadooda iyo xataa Xoghaymahooda gaarka ah.

Hogaamiyaashan ayaa aad uga hadlay arrimaha siyaasadeed ee hadda taagan, waxayna si gaar ah diiradda u saareen qodobada ay kamid yihiin.

  1. Faragalinta lagu hayo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladad Faderaalka, sidii loo joojin lahaa, go’aan mideysan looga qaadan lahaa.
  2. In dibu eegista Dastuurka KMG ah loo maro wadiiqo sax ah, lana joojiyo gabi ahaanba meesha uu hadda ku socdo ee ay ku wado Xukuumada Faderaalka,loona daayo guddiyada loo doortay ee labada ah.
  3. In dib looga laabto cidii saxiixday heshiiska Kheyraadka Wadaaga ee Dawlad gobaleedyada & dawladda Dhexe oo ay saxiixeen oo kaliya Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
  4. In heshiiskaas oo dhan dibu eegis u baahan yahay, bacdamaa ay jiraan baahiyo badan oo soo baxay
  5. In Deeqaha Caalamiga ah ee lahelayo ay noqdaan kuwa si cadaalad ah loogu qeybsho Dawlad gobaleedyada, iyadoo la tixgalinayo baahiyaha jira ee gaarka ah.
  6. In wadajir loogu dhawaaqo dagaal ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah, lana bilaabo iyadoo la kaashanayo dawladda Soomaaliya & Saaxiibada caalamiga ah.
  7. In xiisada laga abuuray Galmudug ay si wadajir ah u xaliyaan Madaxda dawlad gobaleedyada gogolna loogu yeero Kismaayo
  8. In Dawladda Faderaalka loo cadeeyo in ay wax ka bedesho hab dhaqanka Xaafiisyada Madaxda ugu sareysa dawladda oo marar badan hareer-maraya nidaamka dalka.
  9. In dawlad gobaleedyadu Ixtiraam u muujiyaan dawladda Soomaaliya una aqoonsadaan awoodaheeda gaarka u leedahay gaar ahaana Arrimaha dibada, Difaaca, Maaliyadda iyo waxyaabaha la midka ah.
  10. In dawladda Faderaalka ay dawlad gobaleedyada u xaqiiqsato taladooda sharciga ah ee kujirta Dastuurka KMG ah Soomaaliya qodobkiisa 53aad.
  11. Dhismaha Madasha Wadatashiga Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada oo hadda loo doorto mid kamid ah Hogaamiyashan.

11-kan qodob oo ay ka dhalayaan doodo kala duwa ayaa saldhig u ah qodobada ay ilaa hadda is afgaradka wanaagsan ka gaareen dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawlada Soomaalida ee kushirsan magaalada Kismaayo.

Ka sokow dooda qodobadan oo ay lahaayeen Madaxda dawlad gobaleedyada oo dhan, waxay xalay soo dhameyeen shirarkoodii doodan ku saabsanaa, waxaana loo saaray guddiyo gaar ah oo ka socda dawlad gobaleedyada oo saaka bilaabaya sidii ay go’aano mideysan u gaari lahaayen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayey wararku sheegayaan in uu xalayba la hadlay Madaxda Galmudug ee hadda kusugan Cadaado oo ay ka wada hadleen suuragalnimada in ay hadda yimaadaan magaalada Kismaayo.

Wariyaha Puntlandtimes ee kusugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in rajada laga qabi karro in ay shirkan ka soo baxaan go’aamo farxad galiya dawladda Soomaaliya ay tahay mid soo kordhaysa, waxaana uu sheegay in ay meesha ka baxeen qodobo badan oo la saadalinayey.

Wariyaasha ayaa kusugan gudaha Aqalka martida oo ay ka socdaan hadda wada xaajoodyada guddiyada gaarka ah ee howshan loo xilsaaray, waxaana lafilayaa in ilaa galinka dambe ee maanta lasoo afjaro shirkan oo ay ka soo baxaan go’aamo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.

Puntlandtimes.com ayaa fahamsan in qodobada ugu badan ee lagu dhagan yahay ay tahay hab-dhaqanka waraaqaha fara badan leh ee kasoo baxaya Xaafiisyada ugu sareeya dalka, gaar ahaana marka ay socdaan xiisadaha siyaasadeed oo ay tahay in si miisaan leh looga gudbo.

XOGTA SHIRKAN SI AAD U HESHO RIIX HALKAAN

 

Source: Puntland


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”
- Oct 23, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka ...
SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado
- Oct 23, 2017
Muqdisho, 22 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Qodob halis ku ah Ra’iisal Wasaare Kheyre
- Oct 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u debcay cadaadis xoog leh oo uga yimid ...
XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho
- Oct 22, 2017
Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku ...
DAAWO SAWIRRO: Baadari Kenyan ah oo Muslimay, Kaniisaddiisana ka dhigaya Masjid
- Oct 22, 2017
Baadari Kenyan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid – isaga oo sheegay inuu ...
DAAWO SAWIRRO: Sida Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Kampala
- Oct 22, 2017
Madaxweynah Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Waxaa ...
AKHRISO: Sabab yaab leh oo loo joojiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Labada Aqal
- Oct 22, 2017
Kulan lagu waday inuu Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan labada aqal ee Baarlamaanka oo ...
 
/