XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku saabsanaa gargaarka loo fidinayo dhaawacyada iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii qasaaraha badan dhaliyay ee Muqdisho.

Qatar ayaa si degdeg ah  u soo faragelisay arrintan, iyadoo gacan ka heshay madaxda dowladda Federaalka, waxayna ballanqaaday inay dhammaan daweyneyso dhaawacyada qaraxii Muqdisho oo dalka Suudaan la geynayo ayna bixineyso kharashkooda.

Iyadoo gacan ka heleysa madaxda dowladda Soomaaliya ayaa si degdeg ah oo aan qorsheysneyn dhaawacyadii loogu daadgureeyay dalka Suudaan, taasoo qeyb ka ahayd ololaha Qatar iyo Imaaraadka ku dhex maray Gurmadka loo fidinayo Soomaalida ku dhawacantay qarixii weynaa ee Isgoyska Soope.

Marka laga reebo dhawaacyo loo qaaday dalalka Turkiga iyo Kenya  dhammaan dhaawacyadii kale waxaa qaaday dowladda Qatar iyadoo iminka lagu daaweynayo isbitaallo ku yaalla magaalada khartoum ee dalka Suudaan oo ay kharasha bixineyso dowladda Qatar, waxaana la waayay dhaawacyo kale oo Imaaraadku doonayay inuu u qaado dalka Kenya.

Qaabka degdegga ah ee dhaawacyada loogu daadgureeyay Suudaan waxay keentay in isbitaalo aan wanaagsaneyn la geeyo dhaawacyadii, ayna muddo qaadato sidii looga saari lahaa, loona heli lahaa isbitaallo wanaagsan. Safaaradda Soomaalida ee Khartoum iyo ardayda wax ku barata dalkaasi ayaa gacan weyn ka geystay arrintan oo qeylo dhaan weyn abuurtay.

Waxaa magaalada Muqdisho ku haray 7 qof kaliya oo ka mida dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho, iyadoo intii kale loo kala qaaday dalalka Turkiga, Suudaan iyo Kenya.

HOOS KA AKHRI DEEQDA LABADA DAL KU YABOOHEEN

Dowladda Qatar waxay ballanqaaday:  Bixinta Kharashka dhammaan dhaawacyada qaraxii Muqdisho, oo intooda badan la geeyay dalka Suudaan iyo Kafaalo qaadka 100 Agoon oo waalidkooda ku waayay qaraxii Muqdisho muddo saddex bilood ah.

Dowladda Imaaraadka waxay ballanqaaday: Bixinta kharashka 100 ka mida dhaawacyada qaraxyadii Muqdisho oo aanay ku guuleysan iyo  Kafaalo qaadka iyo bixinta biilka 300 Qoys oo ka mida agoontii qaraxa muddo lix bilood ah.

Loolanka labada dal ee dhinaca gargaarka ayaa waxaa qeybta hore ku guuleysatay dowladda Qatar, waxayna labada dal ka mideysan yihiin inaan dalalkooda lagu daweynin dhaawacyada Muqdisho, iyagoo weliba leh Isbitaaladda ugu tayada sareeya ugu waaweyn Bariga dhexe.

The post XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho appeared first on Warqaad.com.

Source: Warqaad


Fikradaha Akhristayaasha (0)




DAAWO SAWIRRO: Dayaaradii ugu weyneyd Caalamka oo burburtay
- Nov 18, 2017
Dayuuradii ugu weyneyd caalamka ee The Airlander 10 ayaa maanta ku burburtay dhul goof ...
Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare+Sawiro
- Nov 18, 2017
-Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ...
Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada
- Nov 18, 2017
Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay ...
Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare
- Nov 18, 2017
Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata ...
Nuxurka Warbixinta Guddiga gaarka ah ee baarlamaanku u saareen dhiibista Qalbi Dhagax
- Nov 18, 2017
Guddiga Baarlaamaniga ah ee loo xilsaaray baarista kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax)  ...
Turkiga oo ka baxay dhoolatus u socday NATO iyo Fadeexad ka dhalatay sawirka asaasihii Turkiga
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in ciidamadiisu ka baxeen dhoolatus milatari oo ...
AKHRISO: Natiijadii kasoo baxday dhiibistii Qalbi-dhagax iyo Sidii Itoobiya loogu gacan geliyey
- Nov 18, 2017
Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo Nabadsugidda Soomaaliya u dhiibtay Dowladda Itoobiya 28-dii Agoosto, ayaa ...
 
/