Maxaad ka taqaan Taliyaha cusub ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya..? (Aqri)

Waxaa maanta taliye cusub loo magacaabay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kadib markii uu is casilay taliyihii hore Jen. Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid).

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga ayaa loo magacaabay Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod), waxaana magacaabidiisa ansixiyay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shirkoodii maanta uu hor keenay wasiiru dowlaha Gaashaandhigga.

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod)

Taliyaha cusub ee xoogga wuxuu ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ee Galmudug markii maamulkaasi la dhisay,waxaana dadka xilkan ugu hambalyeeyay ugu horeeyay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Taliyaha cusub oo ay isku beel yihiin taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa ka mid ahaa ciidamada Cirka Soomaaliyeed, isagoo ka gaaray heer Duuliye diyaaradeed ah, Dhinaca kale wuxuu Wasiir ka soo noqday dowladii KMG ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad, isagoo markaa ahaa Wasiirka Dekedaha xukuumadii Carte.

TAARIIKHDIISA

Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii. Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii. Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxauu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xiddigle ah. Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle. 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Kismaayo halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa. Waxuuna berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo Talyaaniga lagu farsameeyo.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo. Sadax bilood ka dibna waxaa loo badalay Muqdisho oo waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Waxuu noqday gaashaanle sare. Isagoo gaashaanle sare ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha. Labo sano ayuuna hayay xilkaasi. Jeneraalka waxuu dhalay sided caruur. Waxuuna degan yahay magaaladda London.

The post Maxaad ka taqaan Taliyaha cusub ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya..? (Aqri) appeared first on Warqaad.com.

Source: Warqaad


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/