SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado

Muqdisho, 22 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cisman.

The post SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Musevani kala heshiiyay Duulaankii ugu adkaa oo Shabaab lagu qaado appeared first on Warqaad.com.

Source: Warqaad


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Nigeria/Congo-Kinshasa:Eagles, Leopards Match to Go Ahead Despite Ebola Outbreak
- May 27, 2018
[Guardian] As the Super Eagles prepare to tread tackles with their counterpart from Democratic ...
Africa:Five Things We Learned From Real Madrid's Win Over Liverpool
- May 27, 2018
[Guardian] Karim Benzema's opener and Gareth Bale's brace handed Real Madrid their 13th European ...
Nigeria:Mikel Accepts Underdog Status for Super Eagles in Russia
- May 27, 2018
[Guardian] Super Eagles captain, Mikel Obi, has accepted the team's underdog status as the ...
Tanzania:New Report Reveals Shocking Revelation On Meat Safety
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -A new report has raised concerns about the quality of ...
East Africa:What Twitter Data Review Says of Region's Presidents
- May 27, 2018
[Citizen] Dar es Salaam -Burundi president Pierre Nkurunziza is the most shunned leader in ...
Zimbabwe:Fuel Prices Gallop
- May 27, 2018
[Zimbabwe Standard] Fuel prices have gone up significantly across the country in the past ...
Uganda:Chinese Top Tax Fraud List
- May 27, 2018
[Monitor] Companies represented by individuals with Chinese names have dominated the list published by ...
 
/